ISBN-13: 9781514888452 / Somali / Miękka / 2017 / 278 str.
HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA waa kitaab ka hadlaya guurka iyo qoyska kuna salaysan Diinta Islaamka. Kitaabka waxaa loogu talagalay dadka guriga leh iyo dhallinyarada guur-doonka ah si ay ugu dhaqmaan Shuruucda Islaamka ee la xidhiidha guurka iyo qoyska. Kitaabta Hagaha Nolosha Islaamka waxaa uu qofka Muslimka ah ku hagayaa tubta toosan ee guurka iyo dhismaha qoys dhawrsan, waxaanu gaashaan adag ka yahay fashilka guurka, burburka qoyska, iyo gelidda macsida. Kitaabku waa qaniimad joogto ah oo aan lahayn saman u gaar ah waana hanuunin dhammaystiran oo horseedaysa guur iyo qoys ku dhisan dhawrsanaan, jacayl, iyo farxad.